Skip to main content

Posts

WAX WALBO KA DAALACO

Erayo jaceyl oo gaaban

Erayo jacayl oo soo jiidasho leh   Runtii wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyay balse maan arag wax adiga kaa macaan boqoradaydi.  Indhaha waxa aad u tahay nuur qalbigana waxa aad u tahay daawo noloshana waxa aad u tahay daawo.  Marabo nolol dhamaystiran balse waxa kaliya oo aan rabaa nolol farxad badan oo kaliya aan adiga kula qaato.  Waxa aan ku siiyay qalbi aan u diiday aadana oo dhan oo adiga ku siiyay macaan kaligaa.  Waxa aan kuu ballan qaadi karaa hal shay oo kaliya kasoo ah in qalbigaygu uusan kaa quusan waligii. Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho, kaliya codkaaga uun ayaa igu filan macaan, waxa aad tahay ruuxa aan dhibtayda u sheegto, si naxariis lehna ii dabiibta. Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna. Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku
Recent posts

HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH

  HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH   Qaybta 1: Farsamooyinka Asaasiga ah ee sida dadka loola dhaqmo Mabda'a 1: Ha dhaleecayn, ha cambaarayn oo ha caban Mabda'a 2: Si daacad ah ugu mahadnaq oo qaddari Mabda’a 3:ku kici qofka kale rabitaan hamuun leh Qaybta 2: Lix Qaab Oo Dadka kugu Jeclaan Karaan Mabda'a 1: Noqo qof si dhab ah u xiiseeya dadka kale Mabda'a 2: Dhoola cadey Mabda'a 3: Xusuusnow in magaca qofka uu u yahay codka ugu macaan. Mabda'a 4: Noqo qof si fiican wax u dhageysta Mabda'a 5: kala hadal qofka walba danahiisa Mabda'a 6: Dareensii qofka inuu muhiim yahay - oo si daacad ah u dareensii Qaybta 3: Sida Dadka Looga Dhaadhiciyaa Qaab-Fikirkaaga Mabda'a 1: Sida ugu wanaagsan ee aad ugu guuleysan karto doodda waa inaad ka fogaato. Mabda'a 2: U muuji ixtiraam ra'yiga qofka kale. Weligaa ha odhan, "Waad qaldan tahay." Mabda'a 3: Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah oo cad u qiro. Mabda'a 4: Ku bil

Awoodda Doonista

 Awoodda Doonista  Awoodda doonista (willpower) iyo iska adkaantu (Selfdiscipline) ma kala haraan, haddii midkood la waayana kan kale waxmatare ayuu noqonayaa. Si aad u noqotid qof iska adag oo naftiisa maamuli kara xakamaynna kara waxaa laga ma maarmaan ah in aad garowsan tahay awoodda doonista, sida ay u shaqayso iyo waxyaabaha baabi'iya ama hoos u dhiga awoodda doonista. Sidaas awgeed waxa aan cutubka uga hadlaynaa waxa ay buuniyaasha aqoonta u lihi ka yiraahdeen awoodda doonista, ka dib na waxaan dhawr qodob si dul ka xaadis ah ugu sheegi doonnaa waxyaabaha xoojiya ama kobciya iyo kuwa  dhima ama hoos u dhiga awoodda doonista.   Waa Maxay Awoodda Doonistu?   Roy Baumeister oo ah cilmibaare lafagura awoodda doonistu waxa uu awoodda doonista ku qeexay sidaan: “Awoodda doonistu (willpower) waa waxa naga soocay noolayaasha kale. Waa kartida aan ku xakamayn karno laab la kaceenna (impulses), kuna dabri karno rabitaanka dhagaraysan (Temptation) kuna samaynno waxa qumman ee inoo danta

Fikradaha Nolasha

 Fikradaha Nolasha      Waxaan leenahay laba kooxood oo ku wada nool hal juqraafi, laakiin way ku kala duwan yihiin hab-dhaqanka, kooxda koowaad waxay ku nool yihiin xadaarad xadaarad, kuwa kalena waxay ku nool yihiin ilbaxnimo burbur. Qolada kowaad lafteeda ayaa loo haystaa in ay fashilantay, tii kalena shaki la’aan waa liibaanay, sababtuna waxa weeye aqoonsigu waa caqabad ku ah fidinta, diintuna waa dhibaato, waana sababta ay tahay in aynu taas uga baxno si aynu u noolaano. waqtigan aynu joogno, kooxda labaadna waxay ku nool yihiin baqdin ay ka qabaan kuwa kale, ilbaxnimaduna waa gaal, xalkuna waa in laga baxsado.  Soo jiidashada ilbaxnimadu waa astaan ​​lagu garto cudurka, dhaqan xumadana waa astaan ​​cudur, cudurka soojiidashada ilbaxnimada waxa uu ka yimaadaa akhriska oo aan isu dheeli tirnayn aqoonsiga iyo horumarka, waana ta keentay in aadmigu ku noolaado ku tiirsanaan iyo ku dayasho indho la’aan ah. cudurka kale waxa uu ka dhashaa akhrin la’aanta, ku noolaanshaha godad taariikh

Gorfeynta Buugga "The Power of Habit"

Gorfeyn:  Dhiganaha magaciisu yahay THE POWER OF HABIT   Waa dhigano uu qoray qoraa CHARLES DUHIGG.  Wuxu qeexaya awooda ee ku leedahay caadooyinkena (dhaqankeena) nolasha sida aan ula falgalno ,Caadooyinka waa labo mid kood ,mid nolasha ayee hoos u dhigaysa Waa caadooyin xun aanan qofka u wanaagsanen tusaale qofka inuu yeeshto balwad uu isticmaalo maan dooriye nolashi sidaa ugu dhaco, iyo mida labaad oo ah inuu dhaqankisa wanaagsan ee u horseeedo guul, sidu Qof ku abuuri karaa caado cusub ama u badali kara, Dhiganaha  waxu sheegaya caadooyinka inee ku imaadan saddax qaab oo isbiirsaday, Cue,Routine and Reward. Cue waa qofka dareenka kicinaayo inuu wax uu qabto. Routine waa dhaqaaqi qofki inuu aado ama halwshi qabto asoo ku qabanaayo waqtigas . Reward waa furfurnaanta  uu ka helaayo marku qofka uu sameeyo caadooyinkisa. Saddax qaab oo isku xiran ayee caadooyinka ku samaysmaan qoraaga wuxu saaid u bidhaaminaya sida aad iskaaka badali laheed caadoonyinka aan ku cajab galin wuxu leeyah

ERAYO DHIIRI GALIN AH

Shay walbo nolasha ka mid ah oo aad jeclaan laheed oo aad gaari la’dahay howsha kaa xigta maxe tahay⁉️  Maxaysa u baaahantahay inaa meesha gaartid. Waxa mar walbo laga maarmaan ah inee nafta hore u socoto waxad ehed cad yar oo Madaxa kor u qaadi karin lakin koriimada aduunka maalmaha aad soo joogtay ku celcelin faro badan ayaa waxa aad maanta tahay oo dhan ku baratay Waa inay shalay ka gadisantahy maanta . Bari soo socoto wa inee ka gadisantahay maanta. Habeen ku soo dhaafay wa inuu ka duwan yahay habeenka aaad joogtid . Isbuuci hore Wa inuu ka duwan yahay kan aad maanta joogtid .  Waa inuu mar walbo hadafka inta aad u jirtid kuu cad yahay . Hadaadan duuli karin orod Hadaadan ordi karin soco Hadaadan socon karin guurguuro Waxa mar walbo laga maarman ah inaa hore u socotid Hada filaysid wax walbo inaa si fudud ku helaysid oo aaadan waqti ku bixin cimriga oo Aadan siinin inaa si fudud kuku timaado Riyo ayaa ku jirta ee hurdada ka kac Waxad u baahantahay nafta inaa la hadalshi

XIKMADO KU SAABSAN GUUUSHA

1] Dariiqa guushu maaha mid uu Ubax ku goglan yahay laakiin waa mid dhib badan oo loo adkaysto, loo dadaalo loona sabro   2] Si joogta ah u shaqee adigoo aaminsan in ilaahay marnaba kugu hoojinayn dadaalkaaga wanaag oo dhan ayaa xagaaga ahaanaya   3] Maalin kasta oo qoraxdu ay kuu soo baxdo Aamin in ay tahay Deeq Alle kaaga timid ee kaga faa'iideyso Cibaado, Cilmi iyo Camal wanaagsan.

Xikmad Dhiirra-Gelin Ah

Xikmad Dhiirra-Gelin Ah Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso U Sabir xaasidkaaga, waayo sabirkaaga ayaa dilaya, soo ma ogid in haddii uu dabku waayo wax uu cuno isagu is cuno aakhirka Geesinimadu xoog ma’aha, waayo kaneecaduba waxa ay ka dhiijisa sanka libaaxa. Haddii qof si dhab ah u rabo in uu qeyb ka noqdo Noloshaada, waxay si  dhab ah  u sameynayaan dadaal si ay ugu soo biiraan. Nolol la wadaagayo ma aha wax la jili karo ama afka keliya laga sheegi karo Dadku ma oga oohintaada, Dadku ma oga murugadaada, Dadku ma oga xanuunkaaga, balse waxay dhamaan ogaadaan goortii aad hal qalad sameyso. Laakiin Alle SWT ayaa og Ilin kasta oo indhahaaga ka timaada, wuxuuna kaa cafiyaa qalad kasta oo aad sameysay. Ha rajo dhigin .  Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya