Erayo jacayl oo soo jiidasho leh
- Runtii wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyay balse maan arag wax adiga kaa macaan boqoradaydi.
- Indhaha waxa aad u tahay nuur qalbigana waxa aad u tahay daawo noloshana waxa aad u tahay daawo.
- Marabo nolol dhamaystiran balse waxa kaliya oo aan rabaa nolol farxad badan oo kaliya aan adiga kula qaato.
- Waxa aan ku siiyay qalbi aan u diiday aadana oo dhan oo adiga ku siiyay macaan kaligaa.
- Waxa aan kuu ballan qaadi karaa hal shay oo kaliya kasoo ah in qalbigaygu uusan kaa quusan waligii.
- Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho, kaliya codkaaga uun ayaa igu filan macaan, waxa aad tahay ruuxa aan dhibtayda u sheegto, si naxariis lehna ii dabiibta.
- Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.
- Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khiyaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.
- Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.
Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.
- Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.
Comments
Post a Comment