Skip to main content

HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH

 


HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH


 

Qaybta 1: Farsamooyinka Asaasiga ah ee sida dadka loola dhaqmo


Mabda'a 1: Ha dhaleecayn, ha cambaarayn oo ha caban


Mabda'a 2: Si daacad ah ugu mahadnaq oo qaddari


Mabda’a 3:ku kici qofka kale rabitaan hamuun leh




Qaybta 2: Lix Qaab Oo Dadka kugu Jeclaan Karaan


Mabda'a 1: Noqo qof si dhab ah u xiiseeya dadka kale


Mabda'a 2: Dhoola cadey


Mabda'a 3: Xusuusnow in magaca qofka uu u yahay codka ugu macaan.


Mabda'a 4: Noqo qof si fiican wax u dhageysta


Mabda'a 5: kala hadal qofka walba danahiisa


Mabda'a 6: Dareensii qofka inuu muhiim yahay - oo si daacad ah u dareensii



Qaybta 3: Sida Dadka Looga Dhaadhiciyaa Qaab-Fikirkaaga


Mabda'a 1: Sida ugu wanaagsan ee aad ugu guuleysan karto doodda waa inaad ka fogaato.


Mabda'a 2: U muuji ixtiraam ra'yiga qofka kale. Weligaa ha odhan, "Waad qaldan tahay."


Mabda'a 3: Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah oo cad u qiro.


Mabda'a 4: Ku bilow hab saaxiibtinimo.


Mabda'a 5: marka hore ku bilow, waxyaabaha aad isku raacsan tihiin.


Mabda'a 6: U daa qofka kale inuu inta badan asiga hadlo.


Mabda'a 7: Dareensii qofka kale in fikraddu uu isaga ama iyadu leedahay.


Mabda'a 8: Isku day si daacad ah inaad dhinaca uu qofka kale wax ka arkayo, ka aragto.


Mabda'a 9: isku day inaad fahanto fikradaha iyo rabitaannada qofka kale


Mabda'a 10: Tixgeli Ujeedooyinka wanaagsan.


Mabda'a 11: Jilci fikradahaaga




Qaybta 4: Noqo Hogaamiye - Sida Dadka Loo Beddelo Adigoo Aan Weerarin.


Mabda'a 1: Ku bilow ammaan iyo qaddarin daacad ah.


Mabda'a 2: Si aan toos ahayn u tus khaladaadaka dadka.


Mabda'a 3: Ka hadal khaladaadkaaga ka hor intaadan dhaleecayn tan qofka kale.


Mabda'a 4: Su'aalo weydii intii aad bixin lahayd amarro toos ah


Mabda'a 5: U badbaadi qofka Wajigiisa (sumcadiisa).


Mabda'a 6: Ammaan horumarka ugu yar oo ammaan horumar kasta.


Mabda'a 7: Sii qofka sumcad wanaagsan oo uu dhowrto.


Mabda'a 8: Isticmaal dhiirigelinta. Khaladka ka dhig mid fudud in la saxo.


Mabda'a 9: Ka yeel qofka mid ku faraxsan samaynta waxa aad soo jeedisay.




Buugga Sida loo kasbado Saaxiibada iyo sida loo saameeyo dadka Oo Kooban:-


  • Sagaashan iyo sagaal boqolkiiba, dadku iskuma dhaliilaan khaladkooda, si kasta oo ay u khaldan yihiin.
  • Dhaleecayntu waa khatar, sababtoo ah waxay ina gelinaysaa difaaca waxayna naga dhibtaa inaan ku dadaalno inaan nafteena qiil u samayno. Dhaleeceyntu waa khatar, sababtoo ah waxay dhaawacdaa kibirkeena, waxay dhaawacdaa dareenkeena ah inaan muhiim nahay, waxayna kicisaa xanaaq.
  • ha dhaleecayn dadka; maxaa yeelay waxay u dhaqmayaan sida aan u dhaqmi laheyn haddii aan duruurftooda ku jiri laheyn.
  • "ha ka cabanin barafka saaran saqafka guriga dadka dariskaada ah, iyadoo albaabka gurigaada ay wasaq tahay" Confucius.
  • Ma ahan dadka waxa haga waxa macquul-galkood; balse waxaa haga dareemayaasha, waxaana dhiirigeliya kibir iyo faan.
  • "Qof Maqan hadal xun kama sheegaayo, qof walba wax walba oo fiican aan ka aqaano ayaan ka sheegayaa." Benjamin Franklin
  • Intii aad cambaarayn lahayd dadka kale, isku day inaad fahanto iyaga. Isku day inaad ogaato sababta ay u samaynayaan waxay samaynayaan.
  • Dhammaanteen waxaan rabnaa in nala qaddariyo.
  • Kahor intaadan isku dayin inaad qof ku qanciso inuu wax sameeyo, is weydii, "Sideen uga dhigi karaa qofkan qof raba inuu sameeyo waxaan?"
  • "Haddii ay jirto hal sir oo guusha lagu gaaro, waxay ku jirtaa awoodda aad ku fahmi karto aragtida qofka kale oo aad wax ka aragto qofkaas xaggiisa iyo sidoo kale xagaaga." Henry Ford
  • "Waxaad ku yeelan kartaa saaxiibo badan laba bilood gudahood adiga oo xiisaynaya dadka kale si ka badan inta aad awooddo inaad yeelato laba sano gudahood adigoo isku dayaya inaad dad kale ku xiiseeyaan."
  • “Waa qofka aan danaynayn danaha saaxiibadiisa kan ay haystaan ​​dhibaatooyinka ugu badan ee nolosha, waana qofka ugeysta dhaawaca ugu weyn dadka kale. Shakhsiyaadkan oo kale ayay ka soo dhashaan dhamaan dhibaatooyinka heysta aadanaha".
  • Ku dhiiri geli dadka kale inay ka hadlaan naftooda.
  • Had iyo jeer dareensii dadka kale inay muhiim yihiin.Inta badan dadka aad la kulmi doonto waxay qaab
  •  uun u dareemi doonaan inay kaa sarreeyaan. habka aad ugu xaqiijin karto quluubtoodu middaas waa in aad u ogolaato in ay si daganaan leh u ogaadaan in aad garawsatay muhiimadooda, oo aad u garaawsato si daacad ah.
  • “Dadka kala hadal danahooda, waxay ku dhegeysan doonaan saacado badan.”—Disraeli
  • “Haddii aad la dooddo oo aad khilaafto marwalba, waxa laga yaabaa inaad mar mar guul gaadho; laakiin waxay noqon doontaa guul faaruq ah sababtoo ah weligaa ma kasban doontid niyad wanaagga dadka kaa soo horjeedo."
  • Sida looga ilaaliyo khilaafku inay noqdo dood:
  • Soo dhaweey khilaafka
  • Xakamee xanaaqaada
  • Marka hore dhegayso
  • Raadi meelaha aad heshiiska ku tihiin.
  • Daacad noqo
  • Ballan qaad inaad ka fikirto aragtiyada dadka kaa soo horjeeda oo si taxadar leh u diraaseey.
  • Si daacad ah ugu mahadceli dadka kaa soo horjeeda xiisahooda
  • Dib u dhig ficilka si labada dhinacba loo siiyo wakhti ay kaga fikiraan dhibaatada.
  • "Waxaa jira weedho indha sarcaad wata, weedho sida: 'Waxaa laga yaabaa inaan qaldanahay. Waan qaldamaa badanaa, Aynu raadino xaqiiqada.’”
  • "Ha la doodin macmiilkaaga ama xaaskaaga ama cadowgaaga. Ha u sheegin inay khaldan yihiin. Ha kicinin iyaga. Isticmaal dublamaasiyad yar.”
  • "Haddii aan ognahay in nala canaanan doono si walbaba, miyaanay ka wanaagsanayn in qofka kale aan uga hormarno inaan annaga is canaanano?"
  • "Ka hadal adiga dhammaan waxyaabaha kaa qaldan ee aad ogtahay in qofka kale uu ku fekerayo ama rabo inuu sheego ama uu damacsan yahay inuu sheego - oo sheeg ka hor inta uusan qofkaasi fursad u helin inuu sheego."
  • Markaad saxan tahay, isku day inaad dadka si daganaan ah oo xeeladaysan ugu kasbato hab fikirkaaga. Marka aad khaldantahayna, si degdeg ah oo xamaasad leh u qir khaladaadkaga.
  • "Markaad dadka la hadlayso, ha ku bilaabin inaad kala hadasho waxyaabaha aad ku kala duwan tihiin. Ku billow inaad xoogga saarto—oo sii wad inaad xoogga saarto—waxyaabaha aad isku raacsan tihiin. Xusuusi, haddii ay suurtogal tahay, in labadiinuba aad u halgamaysaan hal ujeedo,  iyo in farqiga idin dhaxeeyo ay tahay habka lagu gaari lahaa ujeedada, balse aysan farqiga ahayn ujeedada. Gaarsii qofka kale inuu yidhaahdo, 'Haa, haa' bilawga hore. Ka ilaali qofka kaa soo horjeeda, haddii ay suurtagal tahay, inuu yiraahdo 'Maya'."
  • "Xusuusnow in dadka kale ay gabi ahaanba khaldan yihiin. Laakiin sidaas uma malaynayaan. Ha xukumin iyaga. Doqon kasta ayaa xukumi kara. Isku day inaad fahanto. Kaliya dadka caqliga leh, dulqaadka leh, ayaa isku daya inay taas sameyaan".
  • "Haddii, natiijada akhrinta buuggan, ay kuu noqoto hal shay oo keliya oo ah - u janjeerida inaad mar walba ka fikirto dhinaca aragtida qofka kale, oo aad wax ka aragto qofkaas xaggiisa iyo sidoo kale xakaaga - haddii aad fahantooo keliya Halkaan fikrad oo ka mid ah fikradaha buuggan, waxa laga yaabaa inay si fudud u xaqiijiso inay tahay mid ka mid ah jaranjarooyinka - mustaqbalkaaga xirfadeed".
  • Sida ugu fudud oo loo joojiyo dooda, baabi'inta dareenka jiran, abuuridda niyadda wanaagsan, oo ka dhig qofka kale inuu si feejigan u dhegeysto: "Kuguma eedayn karo inaad dareento sidaad dareemayso. Haddii aan adiga booskaada ku jiri lahaa waxaan shaki la'aan dareemi lahaa sida aad hadda dareemayso."
  • “Saddex meelood afar meel dadka aad la kulmi doonto ayaa gaajo iyo harraad u qaba qof fahma sida ay wax u arkaan oo u beer jileeca. Samee sidaas, wayna ku jeclaan doonaan".
  • Had iyo jeer way fududahay in aan dhegeysano waxyaabo aan ku fiicnayn ka dib markaan maqalno ammaan ku saabsan qodobbadeena wanaagsan.
  • "Ma adko in aad dhageysto ka hadalka khaladaadkaaga haddii qofka ku dhaleeceynaya uu ku bilaabo isaga oo si is-hoosaysiin ah u qiraya in isaga, nafsadiisa, uu aad uga fog yahay qof dhameystiran ama saxan."
  • "In qofku qirto khaladaadkiisa-xitaa marka aanu qof kale sixin ama soo hadal qaadin- waxay ku caawin kartaa qof inuu ku qanciyo inuu qofka kale beddelo dhaqankiisa."
  • "Dadku waxay u badan tahay inay aqbalaan amar haddii ay qayb ka lahaayeen go'aanka sababay in amarka la soo saaro."
  • "Qof kastaa wuxuu jecel yahay in la ammaano, laakiin marka ammaantu ay gaar tahay, waxay u muuqataa mid daacad ah - ma noqoto wax qofka uu u dhahay si uu u dareensiiyo qofka kale wanaag."
  • "Haddii aad rabto inaad qof ku hagaajiso dhinac gaar ah, u dhaqan sidii in sifadaas gaarka ahi ay horeba u ahayd mid ka mid ah sifooyinkiisa gaarka ah."
  • "U sheeg ilmahaaga, xaaskaaga, ama shaqaalahaaga in isagu ama iyadu ay doqon tahay ama xirfad u laheen shay gaar ah, oo ay si khaldan u samaynayaan wax kasta , waxaadna baabi'isay dhammaan hamigii ay u hayeen inay ku fiicnaadaan xirfadaan. Laakin isticmaal farsamadaka soo horjeeda sidan - dhiirigeli, ka dhig xirfadaas mid fudud in ay sameeyaan, u sheeg qofka kale inaad aaminsan tahay kartidiisa inuu sameeyn karo, inuu leeyahay karti aadan hore u arkin-wuxuuna isku taxalujin doonaa ilaa waaberiga uu uga soo gala daaqada si uu u wanajiyo xirfadiisa."
  • "Ka yeel qofka mid ku faraxsan samaynta waxa aad soo jeedisay.."
  • Hogaamiyaha wax ku oolka ahi waa inuu maskaxda ku hayaa tilmaamahan soo socda marka ay lama huraan tahay in la beddelo dabeecadaha ama dhaqanka dadkiisa:
  1. Ha ballan qaadin wax aadan kasoo bixi karin. Iska ilow faa'iidooyinka naftaada oo diirada saar ama qeex faa'iidooyinka qofka kale.
  2. Si sax ah u ogow waxa aad rabto in qofka kale kuu sameeyo
  3. Is weydii waxa dhabta ah ee qofka kale doonayo
  4. Tix faa'iidooyinka uu qof ka heli doono samaynta waxa aad soo jeedinayso
  5. isku beeg faa'iidooyinkaas iyo waxa uu qofkaan doonayo.
  6. Markaad codsigaaga soo jeediso, u dhig qaab uu qofka kale garowsan karo in fikradan ay faa'iido u yeelan karto.

Comments

Qormooyin kale oo xiise leh

Erayo jaceyl oo gaaban

Erayo jacayl oo soo jiidasho leh   Runtii wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyay balse maan arag wax adiga kaa macaan boqoradaydi.  Indhaha waxa aad u tahay nuur qalbigana waxa aad u tahay daawo noloshana waxa aad u tahay daawo.  Marabo nolol dhamaystiran balse waxa kaliya oo aan rabaa nolol farxad badan oo kaliya aan adiga kula qaato.  Waxa aan ku siiyay qalbi aan u diiday aadana oo dhan oo adiga ku siiyay macaan kaligaa.  Waxa aan kuu ballan qaadi karaa hal shay oo kaliya kasoo ah in qalbigaygu uusan kaa quusan waligii. Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho, kaliya codkaaga uun ayaa igu filan macaan, waxa aad tahay ruuxa aan dhibtayda u sheegto, si naxariis lehna ii dabiibta. Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna. Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku

ERAYO XIKMAD LEH

1] bogaadi xitaa horumarka yar 2]qofna  haku dhihin waad daalan tahay ama waad caatowdey 3] qofka indhaha la' wuxuu maqlaa in ka badan inta aad aragto 4]geeri kuma ilowdo 5]hogaamiyaha wanaagsan waa sida xeedho raashin ah oo dadkaa oo dhami way ku soo ururaan agtiisa 6] nabada nolol ku hay 7]cabsi iyo dabeecad wanaagsan waxaa kugu jeclaada ilaahey 8]qofkii maal doonaya waa kii maalin uu dherga laakin qofki cilmi doonaya weligii ma dhergo 9]faqriga waxaa lagu daaweeya shaqo 10]ka baq cidiyaha libaaxa iyo carrabka dumarka 11]lacagta iyo hadalka macaanba waxay furaan albaabada 12]isku day sidii aad shallay ahayd inaad maanta ka wanaagsanato 13]xikmaddu waa xasuusashada waxii lagu sheego 14]luuqaddu waa furaha cilmiga 15]akrisku waa dabaasha caqligu 16]tusaale ayaa ka wanaagsan 17]marka hore arag ka dibna ka sheeke 18] afku waa guriga erayada 19]waayeel oradkii waa intaan la arkeyn 20]doqon uun baa rumeysta wax kasta oo l

Fikradaha Nolasha

 Fikradaha Nolasha      Waxaan leenahay laba kooxood oo ku wada nool hal juqraafi, laakiin way ku kala duwan yihiin hab-dhaqanka, kooxda koowaad waxay ku nool yihiin xadaarad xadaarad, kuwa kalena waxay ku nool yihiin ilbaxnimo burbur. Qolada kowaad lafteeda ayaa loo haystaa in ay fashilantay, tii kalena shaki la’aan waa liibaanay, sababtuna waxa weeye aqoonsigu waa caqabad ku ah fidinta, diintuna waa dhibaato, waana sababta ay tahay in aynu taas uga baxno si aynu u noolaano. waqtigan aynu joogno, kooxda labaadna waxay ku nool yihiin baqdin ay ka qabaan kuwa kale, ilbaxnimaduna waa gaal, xalkuna waa in laga baxsado.  Soo jiidashada ilbaxnimadu waa astaan ​​lagu garto cudurka, dhaqan xumadana waa astaan ​​cudur, cudurka soojiidashada ilbaxnimada waxa uu ka yimaadaa akhriska oo aan isu dheeli tirnayn aqoonsiga iyo horumarka, waana ta keentay in aadmigu ku noolaado ku tiirsanaan iyo ku dayasho indho la’aan ah. cudurka kale waxa uu ka dhashaa akhrin la’aanta, ku noolaanshaha godad taariikh

Awoodda Doonista

 Awoodda Doonista  Awoodda doonista (willpower) iyo iska adkaantu (Selfdiscipline) ma kala haraan, haddii midkood la waayana kan kale waxmatare ayuu noqonayaa. Si aad u noqotid qof iska adag oo naftiisa maamuli kara xakamaynna kara waxaa laga ma maarmaan ah in aad garowsan tahay awoodda doonista, sida ay u shaqayso iyo waxyaabaha baabi'iya ama hoos u dhiga awoodda doonista. Sidaas awgeed waxa aan cutubka uga hadlaynaa waxa ay buuniyaasha aqoonta u lihi ka yiraahdeen awoodda doonista, ka dib na waxaan dhawr qodob si dul ka xaadis ah ugu sheegi doonnaa waxyaabaha xoojiya ama kobciya iyo kuwa  dhima ama hoos u dhiga awoodda doonista.   Waa Maxay Awoodda Doonistu?   Roy Baumeister oo ah cilmibaare lafagura awoodda doonistu waxa uu awoodda doonista ku qeexay sidaan: “Awoodda doonistu (willpower) waa waxa naga soocay noolayaasha kale. Waa kartida aan ku xakamayn karno laab la kaceenna (impulses), kuna dabri karno rabitaanka dhagaraysan (Temptation) kuna samaynno waxa qumman ee inoo danta