Gorfeyn:
Dhiganaha magaciisu yahay THE POWER OF HABIT
Waa dhigano uu qoray qoraa CHARLES DUHIGG. Wuxu qeexaya awooda ee ku leedahay caadooyinkena (dhaqankeena) nolasha sida aan ula falgalno ,Caadooyinka waa labo mid kood ,mid nolasha ayee hoos u dhigaysa Waa caadooyin xun aanan qofka u wanaagsanen tusaale qofka inuu yeeshto balwad uu isticmaalo maan dooriye nolashi sidaa ugu dhaco, iyo mida labaad oo ah inuu dhaqankisa wanaagsan ee u horseeedo guul, sidu Qof ku abuuri karaa caado cusub ama u badali kara,
Dhiganaha waxu sheegaya caadooyinka inee ku imaadan saddax qaab oo isbiirsaday, Cue,Routine and Reward.
- Cue waa qofka dareenka kicinaayo inuu wax uu qabto.
- Routine waa dhaqaaqi qofki inuu aado ama halwshi qabto asoo ku qabanaayo waqtigas .
- Reward waa furfurnaanta uu ka helaayo marku qofka uu sameeyo caadooyinkisa.
Saddax qaab oo isku xiran ayee caadooyinka ku samaysmaan qoraaga wuxu saaid u bidhaaminaya sida aad iskaaka badali laheed caadoonyinka aan ku cajab galin wuxu leeyahay kali marka rabto inaa caado badasho waxaad badalaysa Routine waqtiga aad qaban laheed adoo wax kale ku badalo isla waqtigaas ,
"Haddi aad aqoonsato tilmaamaha iyo abaalmarinta waad badali kartaa jadwalka" ,
Caadooyinka qaarkooda si kastaba ha ahaate waa la badali karaa hadii aaminsantahy inaa badali kartid.
W/Q: Fuad Omar Hassan.
Comments
Post a Comment