Skip to main content

Awoodda Doonista




 Awoodda Doonista 

Awoodda doonista (willpower) iyo iska adkaantu (Selfdiscipline) ma kala haraan, haddii midkood la waayana kan kale waxmatare ayuu noqonayaa. Si aad u noqotid qof iska adag oo naftiisa maamuli kara xakamaynna kara waxaa laga ma maarmaan ah in aad garowsan tahay awoodda doonista, sida ay u shaqayso iyo waxyaabaha baabi'iya ama hoos u dhiga awoodda doonista. Sidaas awgeed waxa aan cutubka uga hadlaynaa waxa ay buuniyaasha aqoonta u lihi ka yiraahdeen awoodda doonista, ka dib na waxaan dhawr qodob si dul ka xaadis ah ugu sheegi doonnaa waxyaabaha xoojiya ama kobciya iyo kuwa  dhima ama hoos u dhiga awoodda doonista.  

Waa Maxay Awoodda Doonistu? 

Roy Baumeister oo ah cilmibaare lafagura awoodda doonistu waxa uu awoodda doonista ku qeexay sidaan: “Awoodda doonistu (willpower) waa waxa naga soocay noolayaasha kale. Waa kartida aan ku xakamayn karno laab la kaceenna (impulses), kuna dabri karno rabitaanka dhagaraysan (Temptation) kuna samaynno waxa qumman ee inoo danta aayaatiinka dambe, maya waxa aan rabno hadda. Runtii awoodda doonistu waa udub dhexaadka ilbaxnimada.Kelly McGonigal oo ah qoraaga buugga “The Willpower Instinct” waxay awoodda doonista ku qeexday “karaanka aad ku samaysid waxa aad samaysid ayada oo qayb adiga kaa mid ahi diiddan tahay in aad samaysid.Kelly waxa ay awoodda doonista u qaybisay saddex (3) qaybood oo kala ah: awoodda ku dhawaaqidda, awoodda diidmada iyo awoodda rabitaanka.

 Awoodda ku Dhawaaqista 

Sida ay Kelly qabto awoodda ku dhawaaqistu (I will power) waa waxa kaa caawiya in bilowdid hawl culus, dhib badan oo madax wareer miiran ah. Awoodda ku dhawaaqistu kaama caawiso in aad hawl dhib badan bilowdid oo kaliya balse waxay kaa caawisaa in aad ku adkaysatid oo ka jibagaartid hawshaas si walba oo ay u dhib badan tahay.  Waa halka maahmaahdii Soomaaliyeed ka ahayd “waxa aadan hureyn horaa loogu hawlgalaa”. 

 Awoodda Diidmada  

Kelly McGonigal waxay awoodda diidmada ku tilmaantay in ay tahay awoodda kaa celisa in aad samaysid wax walba oo naftaada iyo dareenkaagu la dhaco. Tusaale adiga oo dhawr bilood ka hor cabbista sigaarka joojiyay marka qof kale agtaada sigaar ku shito durba dareenkaagu waxa uu isla markiiba kugu riixayaa in aad adiguna xabbad sigaar ah shidato balse awoodda diidmada ayaa gacanta ku qabanaysa oo ku xusuusinaysa go'aankaagi aad horay u gaartay in ay aad sigaar cabbista joojisid.   

Murti Soomaaliyeed ayaa iyadoo ka digaysa waxa ay qofka aan lahayn awoodda diidmada uguna soo halqabsanaya arrintii hore aan u sheegnay ee ahayd in ay tahay arrimaha aan noolaha ku kala duwanahay waxa ay tiraahdaa “nin liid caadadii ma baajo bahalna ceeriin ma daayo”. 

 Awoodda Rabitaanka 

Ugu dambayn Kelly waxay awoodda rabitaanka ku qeexday in ay tahay awoodda dabagalka ku haysa yoolashaada (goals) iyo doonistaada (desires) mustaqbalka ayada oo mar walba ku dhiirragalinaysa.  Haddii aadan aqoon waxa aad rabto, waxa aad la mid tahay qof socdaal ah oo aan ogayn halka uu yahay majiirihiisa socodku, waana nolol ku salaysan ambasho iyo dayoow. 

 Is Aqoonso 

Si aad naftaada uga adkaatid oo u xakamaysid waa in aad horta adigu is aqoonsataa. Ujeedku waa, mar walba oo aad hadlaysid, hawl qabanaysid, wax iibsanaysid, ama wax diidaysid iswaydii sababta aad waxaan u samaynaysid ama u diidaysid. Waa hubanti in qof walba oo nooli leeyahay awood Eebbe siiyey oo u gaar ah. Haddana waxaa jirta heer ay gaarsiisan tahay. Waa halkii ay murtida Soomaaliyeed ka lahayd “togba taagtii buu rogmadaa.” Waxaa iyana jirta hees uu ku xareediyo hoobal Axmed Mooge oo ay ku jiraan erayo isla murtidan la halmaala oo ah:  

Tacab kaaga iyo Tamartaadu way Ku tilmaamayaanoo Way ku toosiyaane, 

Waxaad taransataa Tiro kuu galoo Illeen lagu tanaadaa. 

Qaadnee talaabada Toocadaan tilmaamiyo Tusan iyo barwaaqiyo Tahan baynnu gaadhnee Miyaad talo ka weyn tahay. 

Heestan dulucdeedu waa isku tashiga iyo awoodda qofku in ay yihiin kuwa ku haga ku na toosiya habka iyo hannaanka uu ku gaari lahaa, higsigiisa nololeed. Waxa aad qabsato oo keliya iyo qaabka aad wax u qabsataa waa suurtagalnimadaada halka iyo heerka aad rabto. 

Xoojiyayaasha Awoodda Doonista 

Awoodda doonistu waxay la mid tahay waasto-biyood (reservoir) ama waa taangi biyo ah oo kale, haddii aan mar walba biyaha lagu shubin dabcan biyihii ku jiray waa ay dhammaanayaan maxaa yeelay wax uun baa ka baxaya ee waxba laguma soo kordhin,waayo si joogto ah  aya looga dhaansadaa. Awoodda doonistuna waa sidaas oo kale oo mar walba waa in aad buuxisaa. Mar walba oo aad awoodda doonista adeegsatid waa ay yaraanaysaa ama hoos ayay u dhacaysaa. Sidaas awgeed siyaabaha awoodda doonista aad ku xoojin karto waxaa ka mid ah: 


 


Comments

Qormooyin kale oo xiise leh

HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH

  HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH   Qaybta 1: Farsamooyinka Asaasiga ah ee sida dadka loola dhaqmo Mabda'a 1: Ha dhaleecayn, ha cambaarayn oo ha caban Mabda'a 2: Si daacad ah ugu mahadnaq oo qaddari Mabda’a 3:ku kici qofka kale rabitaan hamuun leh Qaybta 2: Lix Qaab Oo Dadka kugu Jeclaan Karaan Mabda'a 1: Noqo qof si dhab ah u xiiseeya dadka kale Mabda'a 2: Dhoola cadey Mabda'a 3: Xusuusnow in magaca qofka uu u yahay codka ugu macaan. Mabda'a 4: Noqo qof si fiican wax u dhageysta Mabda'a 5: kala hadal qofka walba danahiisa Mabda'a 6: Dareensii qofka inuu muhiim yahay - oo si daacad ah u dareensii Qaybta 3: Sida Dadka Looga Dhaadhiciyaa Qaab-Fikirkaaga Mabda'a 1: Sida ugu wanaagsan ee aad ugu guuleysan karto doodda waa inaad ka fogaato. Mabda'a 2: U muuji ixtiraam ra'yiga qofka kale. Weligaa ha odhan, "Waad qaldan tahay." Mabda'a 3: Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah oo cad u qiro. Mabda'a 4: Ku bil

Erayo jaceyl oo gaaban

Erayo jacayl oo soo jiidasho leh   Runtii wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyay balse maan arag wax adiga kaa macaan boqoradaydi.  Indhaha waxa aad u tahay nuur qalbigana waxa aad u tahay daawo noloshana waxa aad u tahay daawo.  Marabo nolol dhamaystiran balse waxa kaliya oo aan rabaa nolol farxad badan oo kaliya aan adiga kula qaato.  Waxa aan ku siiyay qalbi aan u diiday aadana oo dhan oo adiga ku siiyay macaan kaligaa.  Waxa aan kuu ballan qaadi karaa hal shay oo kaliya kasoo ah in qalbigaygu uusan kaa quusan waligii. Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho, kaliya codkaaga uun ayaa igu filan macaan, waxa aad tahay ruuxa aan dhibtayda u sheegto, si naxariis lehna ii dabiibta. Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna. Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku

ERAYO XIKMAD LEH

1] bogaadi xitaa horumarka yar 2]qofna  haku dhihin waad daalan tahay ama waad caatowdey 3] qofka indhaha la' wuxuu maqlaa in ka badan inta aad aragto 4]geeri kuma ilowdo 5]hogaamiyaha wanaagsan waa sida xeedho raashin ah oo dadkaa oo dhami way ku soo ururaan agtiisa 6] nabada nolol ku hay 7]cabsi iyo dabeecad wanaagsan waxaa kugu jeclaada ilaahey 8]qofkii maal doonaya waa kii maalin uu dherga laakin qofki cilmi doonaya weligii ma dhergo 9]faqriga waxaa lagu daaweeya shaqo 10]ka baq cidiyaha libaaxa iyo carrabka dumarka 11]lacagta iyo hadalka macaanba waxay furaan albaabada 12]isku day sidii aad shallay ahayd inaad maanta ka wanaagsanato 13]xikmaddu waa xasuusashada waxii lagu sheego 14]luuqaddu waa furaha cilmiga 15]akrisku waa dabaasha caqligu 16]tusaale ayaa ka wanaagsan 17]marka hore arag ka dibna ka sheeke 18] afku waa guriga erayada 19]waayeel oradkii waa intaan la arkeyn 20]doqon uun baa rumeysta wax kasta oo l

Fikradaha Nolasha

 Fikradaha Nolasha      Waxaan leenahay laba kooxood oo ku wada nool hal juqraafi, laakiin way ku kala duwan yihiin hab-dhaqanka, kooxda koowaad waxay ku nool yihiin xadaarad xadaarad, kuwa kalena waxay ku nool yihiin ilbaxnimo burbur. Qolada kowaad lafteeda ayaa loo haystaa in ay fashilantay, tii kalena shaki la’aan waa liibaanay, sababtuna waxa weeye aqoonsigu waa caqabad ku ah fidinta, diintuna waa dhibaato, waana sababta ay tahay in aynu taas uga baxno si aynu u noolaano. waqtigan aynu joogno, kooxda labaadna waxay ku nool yihiin baqdin ay ka qabaan kuwa kale, ilbaxnimaduna waa gaal, xalkuna waa in laga baxsado.  Soo jiidashada ilbaxnimadu waa astaan ​​lagu garto cudurka, dhaqan xumadana waa astaan ​​cudur, cudurka soojiidashada ilbaxnimada waxa uu ka yimaadaa akhriska oo aan isu dheeli tirnayn aqoonsiga iyo horumarka, waana ta keentay in aadmigu ku noolaado ku tiirsanaan iyo ku dayasho indho la’aan ah. cudurka kale waxa uu ka dhashaa akhrin la’aanta, ku noolaanshaha godad taariikh