Skip to main content

ERAYO XIKMAD LEH







1] bogaadi xitaa horumarka yar


2]qofna  haku dhihin waad daalan tahay ama waad caatowdey


3] qofka indhaha la' wuxuu maqlaa in ka badan inta aad aragto


4]geeri kuma ilowdo


5]hogaamiyaha wanaagsan waa sida xeedho raashin ah oo dadkaa oo dhami way ku soo ururaan agtiisa


6] nabada nolol ku hay


7]cabsi iyo dabeecad wanaagsan waxaa kugu jeclaada ilaahey


8]qofkii maal doonaya waa kii maalin uu dherga laakin qofki cilmi doonaya weligii ma dhergo


9]faqriga waxaa lagu daaweeya shaqo


10]ka baq cidiyaha libaaxa iyo carrabka dumarka


11]lacagta iyo hadalka macaanba waxay furaan albaabada


12]isku day sidii aad shallay ahayd inaad maanta ka wanaagsanato


13]xikmaddu waa xasuusashada waxii lagu sheego


14]luuqaddu waa furaha cilmiga


15]akrisku waa dabaasha caqligu


16]tusaale ayaa ka wanaagsan


17]marka hore arag ka dibna ka sheeke


18] afku waa guriga erayada


19]waayeel oradkii waa intaan la arkeyn


20]doqon uun baa rumeysta wax kasta oo loo dheego











by FUAD OMAR NASIBOL
Email 



Qormooyin kale oo xiise leh

HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH

  HOW TO WIN FRIENDS AND INFLUENCE PEOPLE OO FALAQAYN AH   Qaybta 1: Farsamooyinka Asaasiga ah ee sida dadka loola dhaqmo Mabda'a 1: Ha dhaleecayn, ha cambaarayn oo ha caban Mabda'a 2: Si daacad ah ugu mahadnaq oo qaddari Mabda’a 3:ku kici qofka kale rabitaan hamuun leh Qaybta 2: Lix Qaab Oo Dadka kugu Jeclaan Karaan Mabda'a 1: Noqo qof si dhab ah u xiiseeya dadka kale Mabda'a 2: Dhoola cadey Mabda'a 3: Xusuusnow in magaca qofka uu u yahay codka ugu macaan. Mabda'a 4: Noqo qof si fiican wax u dhageysta Mabda'a 5: kala hadal qofka walba danahiisa Mabda'a 6: Dareensii qofka inuu muhiim yahay - oo si daacad ah u dareensii Qaybta 3: Sida Dadka Looga Dhaadhiciyaa Qaab-Fikirkaaga Mabda'a 1: Sida ugu wanaagsan ee aad ugu guuleysan karto doodda waa inaad ka fogaato. Mabda'a 2: U muuji ixtiraam ra'yiga qofka kale. Weligaa ha odhan, "Waad qaldan tahay." Mabda'a 3: Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah oo cad u qiro. Mabda'a 4: Ku bil

Erayo jaceyl oo gaaban

Erayo jacayl oo soo jiidasho leh   Runtii wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyay balse maan arag wax adiga kaa macaan boqoradaydi.  Indhaha waxa aad u tahay nuur qalbigana waxa aad u tahay daawo noloshana waxa aad u tahay daawo.  Marabo nolol dhamaystiran balse waxa kaliya oo aan rabaa nolol farxad badan oo kaliya aan adiga kula qaato.  Waxa aan ku siiyay qalbi aan u diiday aadana oo dhan oo adiga ku siiyay macaan kaligaa.  Waxa aan kuu ballan qaadi karaa hal shay oo kaliya kasoo ah in qalbigaygu uusan kaa quusan waligii. Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho, kaliya codkaaga uun ayaa igu filan macaan, waxa aad tahay ruuxa aan dhibtayda u sheegto, si naxariis lehna ii dabiibta. Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna. Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku

Fikradaha Nolasha

 Fikradaha Nolasha      Waxaan leenahay laba kooxood oo ku wada nool hal juqraafi, laakiin way ku kala duwan yihiin hab-dhaqanka, kooxda koowaad waxay ku nool yihiin xadaarad xadaarad, kuwa kalena waxay ku nool yihiin ilbaxnimo burbur. Qolada kowaad lafteeda ayaa loo haystaa in ay fashilantay, tii kalena shaki la’aan waa liibaanay, sababtuna waxa weeye aqoonsigu waa caqabad ku ah fidinta, diintuna waa dhibaato, waana sababta ay tahay in aynu taas uga baxno si aynu u noolaano. waqtigan aynu joogno, kooxda labaadna waxay ku nool yihiin baqdin ay ka qabaan kuwa kale, ilbaxnimaduna waa gaal, xalkuna waa in laga baxsado.  Soo jiidashada ilbaxnimadu waa astaan ​​lagu garto cudurka, dhaqan xumadana waa astaan ​​cudur, cudurka soojiidashada ilbaxnimada waxa uu ka yimaadaa akhriska oo aan isu dheeli tirnayn aqoonsiga iyo horumarka, waana ta keentay in aadmigu ku noolaado ku tiirsanaan iyo ku dayasho indho la’aan ah. cudurka kale waxa uu ka dhashaa akhrin la’aanta, ku noolaanshaha godad taariikh

Awoodda Doonista

 Awoodda Doonista  Awoodda doonista (willpower) iyo iska adkaantu (Selfdiscipline) ma kala haraan, haddii midkood la waayana kan kale waxmatare ayuu noqonayaa. Si aad u noqotid qof iska adag oo naftiisa maamuli kara xakamaynna kara waxaa laga ma maarmaan ah in aad garowsan tahay awoodda doonista, sida ay u shaqayso iyo waxyaabaha baabi'iya ama hoos u dhiga awoodda doonista. Sidaas awgeed waxa aan cutubka uga hadlaynaa waxa ay buuniyaasha aqoonta u lihi ka yiraahdeen awoodda doonista, ka dib na waxaan dhawr qodob si dul ka xaadis ah ugu sheegi doonnaa waxyaabaha xoojiya ama kobciya iyo kuwa  dhima ama hoos u dhiga awoodda doonista.   Waa Maxay Awoodda Doonistu?   Roy Baumeister oo ah cilmibaare lafagura awoodda doonistu waxa uu awoodda doonista ku qeexay sidaan: “Awoodda doonistu (willpower) waa waxa naga soocay noolayaasha kale. Waa kartida aan ku xakamayn karno laab la kaceenna (impulses), kuna dabri karno rabitaanka dhagaraysan (Temptation) kuna samaynno waxa qumman ee inoo danta